“….Baqda adeer, baqda..”

1
2849

Ilaahay ha daayee mid ka mid ah macalimiintii caafimaadka wax noo dhigi jiray ayaa maalin waxa uu nagu yidhi:

“Dhakhtarka aqoonta lihi wuu baqdaa kolka uu bukaan arko, baqashadaas ayaa taxaddarka keenta. Baqda adeer baqda, dhiiranaanta iyo degdeggu waa astaanta qofka junior-ka ahe (bilawga ah)”



–>

Marka aan furfuro weedhiisu waxa ay ii sawirtay in qofka aqoonta badan lihi wax badan ka fekerayo kolka uu arko qof qufacaya. Shan xanuun oo kala halis badan ayuu maanka ku qabanayaa kolkaba. Hadba mid ayuu dabadeed iska saarayaa isaga oo ku salaynaya astaamaha kale ee uu ku arko bukaanka. Qofka se beyd gaabka ihi qufac kolka uu arko, xanuunka ugu sahlan ee ugu tirada badan ayuu ku xukumayaa. Hadalkaasi miqyaas iyo qaacido (formula) nololeed ayuu ii noqday.

Waxa arinkan aad ii xasuusiyay xaaladdan COVID19 ee cidkastaa ay is tidhi si dhakhso ah wax uga qabo. Waxa ii kala baxay dadkii aqoonta lahaa iyo dadkii aan aqoonta lahayn. Ama dhaqaale ha barto ama caafimaad ha barto ama aqoon kale ha lahaado e, aqoonyahanka rasmiga ihi xaaladdan oo kale wuu baqdaa. Haddii uu macalinkaygu igu lahaa waxa aad garanayso ee aan ku baray ka baqo, imika xanuun iyo xaalad jirta oo aan waxba laga aqoon weeye tan lala tacaalayaa.

Soddonkii sanno ee u danbeeyay waxa hadba horumar samaynayay tilifoonada aynu sidanno iyo shaashadaha anu wax ka daawanno. Waxa la dhisayay dabaqyo ka dhaadheer oo ka wacan kuwii hore. Se wacyigeennu weli ma horumarin oo ma qaangaadhin. Dadka inta wax akhrida iyo inta aan waxba akhriyin ayaa isku mid u ekaatay oo isku si u fekeraysa. Waxa ay dibadda soo dhigtay xaaladdani in aynaan dhisi jirinba caqliyadaa bulshooyinkeenna se agabka ay adeegsanayaan uun aynu dhisi jirnay.

Weli waxa aynu nahay ummad daba socota ummado kale oo sugaysa xogta iyo warbixinaha waddamada isu yaqaan adduunka koobaad. In aynu wax ikhtiraacno oo wax soo saarno iska daaye, talaabooyinka caafimaad ee la soo bisleeyey in aynu qaadno ayaynaan u diyaarsanayn. Rakaab adduunka saaran oo rakaab ahaada oo iska saarnaada loogu taag laayahay ayaynu nahay!

Waxa aan Ilaahay ka rejeynayaa in uu bedqab iyo caafimaad dhammaanteen masiibadan inagu dhaafiyo. Waxbaa laga bartaa e, dariska u weyni in uu noqdo mid ina faraya bulsho-dhis iyo dad-dhis ayaa rejeynayaa.



Xayasiis

1 COMMENT

Comments are closed.