Safarkii Dooxa Hargeysa

4
6861
Yaxye Yeebaash - Safarkii Dooxa Hargeisa - Hiking
Waqooyi-bari Hargeisa

Shalay lixdii subaxnimo ayaanu dhanka Waqooyi uga baxnay magaalada Hargeysa. Lixdii fiidnimo na waxa aanu ka soo galno geesta kale ee Koonureed ee magaalada. Qiyaas 20-30 km ah ayaanu socod ku jarnay aniga iyo rag aanu asxaab nahay.

 

Ma ay jirin dhabbo ama kob sugan oo aanu abbaarannay. Se socod loo yaqaan “hiking” oo afkeenna buur-fanasho u macno ekaanaya, ayaanu rabnay in aanu tijaabinno shalay. Maalin ka mid ah maalmihii ugu quruxda badnaa noloshayda ayay se isu beddeshay anna aan u diiwaan-gashaday.

Gaadhi aanu wadannay waxa aanu kaga nimi kaalin shidaal oo dhanka bari ugu xigta magaalada (Kuwaytiga agtiisa). Halkaas ayaanu ka jarmaadnay annaga oo u jihaysan Waqooyi. Dhankaas aanu u jeedsannay waxa naga soo eegaya astaantii magaalada oo buuraha Naaso-hablood ah. Iyaga se umaanu socone buuro kale ayaanu ku tuhunnay in ay dhanka bari ka xigaan kolka aanu iyaga ku toosannahay.

Nus-saace annaga oon socon waxa aanu ku daadegnay xayn waraabayaal ah oo meel ku urusan. Judha ay na arkeen waa ay yaaceen annagu na digdigta dhulka ayaanu ku war helnay in ay wax naga rooreen. Wiil ila socda oo xaafadaha u sokeeya gala ayaa xog nagu biiriyay ah in buurta naasa hablood qayb ka mid ah lagu soo qubo hadhaaga xoolaha lagu qalo kawaanka. Sidaasi darteed waraabayaal tiro badan in halkan lagu arkaa aanay wax cusub ahayn.

 

Intaas waxa uu noogu daray in waraabayaashani ay ka geddisanyihiin kuwa miiga. Kuwani kuwa reer magaala weeye oo aan hore kaaga didayn. Mise mid ka mid waraabayaashii ayaa naga soo hor baxay oo isma dhaqaajinayo ilaa aanu wax yar u soo jirsanno. Intii aanu ka libdhaynayna waa na daba socday oo il-qoodha ayaanu kala soconnay annana. Haddii ay tiro badan nagu heli lahaayeen waa ay nagu dhiiran lahaayeen sida uu qabo wiilkaasi nala socday. Aniga se waraabe-ka-cabsi iguma jiro mooji sababta e.

Jawigaa wacnaa oo cadceeddii kululayd weli galka seefta kalamay bixin. Saddex baanu ahayn oo, aniga mooyee labada nin ee kale maantaa isugu horaysa. Is barashadii ayaa keentay in socod gaaban aanu ku bilawno safarka. Kolkii saacad dhadhaw aanu dareennay in aanu soconnay, waxa aanu kornay oo hadda na ka degnay laba taag oo gaagaaban. Taagga kolka aanu korna ba rejo ah in ay buuri ka danbayso ayaa na gelaysay. Se taagba taag kale oo hungo ah buu noo dhiibayay.

 

Kolkii aanu ka rejo dhignay in geestan waqooyi-bari ay leedahay buuro dherer le, waxa aanu go’aansannay in aanu koonfur-bari magaalada ka marno. Buur sida muraayadda naga soo hor-jeedday oo meel shishe ka bidhaamaysay ayaanu go’aansannay in aanu taas korno. Waa in aanu waqooyi ka soo dhaqaaqnaa oo koonfur u soo jihaysannaa. Taasi waxa ay dalbaysaa in mar labaad aanu waddadii ka talawno si aanu dhanka kale ugu gudubno.

 

Koronkor, ayaxu marka uu yaryahay ee kolkaasi dhasho, tiro badan oo sida askarta fayl ku jirta ayaanu soo gees marnay. Kabajaa baad mooddaa sida ay u boodboodayaan. Tiro intan leeg aniga araggeeda maanta ayaa iigu horaysa. Gugan iyo caleentan magooshay ayuu amsaxa ka dhigayaa, kolka uu da’dan jira na waa kolka uu ugu daranyahay. Waxa aan xasuustay odhaahdii ahayd “Ayax tag eelna reeb”.

 

Digo geel oo aad udgooni kolkii ay noo urtay waxa noo xigtay koor carabkeedu garaacayo oo meel dhaw ka sanqadhaysa. Waa wiil yar oo halo tobaneeyo ah aroorinaya. Qaalin afar jiraa ugu nis yar. Halaha kale waa halo duq u badan. Xeradu halka ay tahay kolkii aan su’aalay, waddada aanu aanu ku socoonnay ee aanu ku tallaabayno ayaa ay saarantahay oo wuu noo tilmaamay.

 

Waxa aad isku daydaa in aad dhaaddo kolka aad safar tahay ee aad wiil ama gabadh yar oo maqasha raacaysa ama geel la socda aragto, sida uu kaaga fogaanayo ama kaaga durkayo haddii aad la hadal is tidhaa. Arinkaas ayaanu is weydiinnay. Maxaa keena in ay sida adhiga u didaan ubadka yar ee maqasha raacaysaa kolka aad haybso ama wax weydii is tidhaa?

 

Malaha annagaa gaashaannayn. Shandad roon, muraayad iyo caagad aan walwaalinayay ayaa aniga la ii tiriyaa. Innamada kale na waxba igama dhacaan oo agab reer magaal baa naga muuqda. Malaha agabkaas ayay ka baqaan baanu is nidhi. Haddana mid naga mid ah ayaa nagu biiriyay in uu beri weydiiyay kuray yar oo mii jooga oo, waxa uu ugu jawaabay in waalidkood ku ababiyaan caynkan.

 

Hadda mii ma aha meeshu, waa magalada uun dusheeda. Halleeya, oo ah tuulada ugu sokaysa dhanka bari magaalada, ma aanaan gaadhin. Hadda na dareennay is beddelka hawada, geedaha iyo noolaha kale ee ayax iyo waraaba ba le. Xataa is-beddelka hab dhaqanka dadka dareennay, wiil yar oo magaalada joogaa kolka uu arko wax ka duwan wixii uu arki jiray waa ku soo baydhaa oo u soo dhawaadaa. Halkan se maya.

 

Yaan idiin sheeko dhaafine, ayaxa intii aanaan arag inyar ka hor waannu nasannay. Geed hadhaca oo hadh wacan le hoostii ayaanu fadhiisannay. Geedka iliiladbaa hoos martay oo kaga tagtay ciid yar oo bataaxa. Ciidda caynkaasa iyo hadhku kolkii ay isku beegmeen naftu jiifso ayay ku odhanaysaa. Aniga way i tidhi ba. Sijaayad yar oo aan shandadda ku sitay ayaan la soo baxay oo halkii ku kala bixiyay.

 

Cunno wixii yaraa ee aanu sidannay ayuu ninba la soo baxay. Warsame ninka la yidhaa waa nin qurbaha ka yimi oo safarada caynkan ah aad u yaqaan. Waxa uu la soo baxay bac laws ah oo uu sitay dabadeed wuu midhamidhaystay. Wiilka kale Mustafaa la yidhaa, walaw uu isba qurbaha ka yimi hadda na labadayadu xagga cuntada waanu liidannaa. Buskud yar oo aanu ka soo iibsannay tukaankii kaalinta ayaanu ku kabannay biyihii yaraa ee aanu sidannay. Rubuc saac gudihii ba waanu ka kacnay goobtii.

 

Waa barqo Jimce ah oo waddadu saxmad badan ma le, hadda na baabuur dhawra ah oo xammuul u badan ayay noqotay in aanu ka joogno kolkii aanu waddada ka tallaabaynay. Dooxa weyn ee Hargeysa ayaa geesta koonfureed ka mara waddada. In dooxu soo dhawaaday dhirta cufan ee sidii diilinta u taxan ayaanu ku yaqiinsannay. Sidii waddada ka tallaaba oo hore u dhaafa ayaa nagu jirta.

 

Geedo jiq ah oo garan-waa, sogsog iyo galool isugu jira ayaa kolkiibaa na xidhay. Kolkii aanu si taxaddar le qodxiihiisii ku dhaafnay, laag uu jaray daadku ayay noqotay in aanu ka soo boodno si aanu dooxa ugu soo dhacno. Dooxa waxa socda biyo aan badnayn oo ka hadhay shalay galab roob magaalada ka da’ay. Dhibku ma aha biyahaa yar sidii looga tallaabi lahaa, dhibku waxa weeye daadka qulqulaya gebi dheer ayaa ku sii xidhan oo aan lahayn meel laga koro. Biyaha intii aanaan ka tallaabin ka hor muddo ayaan garab soconnay si aan u helno meel aanu kaga baxno dooxa.

 

Laag ka soo baxda dhanka koonfureed ayaa ku soo darsamaysa dooxa. Laagtaasi waa roontahay oo marin bay noo noqon kartaa maadaama inta kale ee dooxa oo dhami ahayd gebi dheer oo aanaan fanan karayn. Se su’aasha is weydiinta mudanbaa noqotay sidee loo ogaanayaa masaafada laagtani ay tahay iyo in iyada laftarkeedu hadhaw geeda dhex oolli karaan oo aan dhex mari Karin. Aniga ayaa isu xil-saaray oo idhi aan soo ogaado. Waxa aan dhulka dhigtay shandadii aan xanbaarnaa, sidoo kale kabihii ayaan la baxay si aan biyaha uga tallaabo dabadeed laagtaa u dhex qaado.

 

Laagtu waa laag qurux badan oo biyuhu muddo mareyeen sida ka muqata. Waan cagaaganahay oo cagahaygu waxa ay dareemayaan qoyaan ilayn waanigii dooxii yaraa ee socday soo dhex qaadaye. Ciidda dhex taalla laagtu waa ciid aaad u bataaxa oo cagahayga u fiican. Se waxa aan aad isaga eegayaa inna wax qodaxa oo ii dhuumata si aanay iiga dhex tafin.  Dhulka waxa aan ku arkayaa kolkaa raad waraabe oo ilaa saaka oo kale laagtan sii dhex qaaday. Boqol tallaabo in ku dhaw kolkii aan socday waxa iga soo hor baxday meel ood  le oo u baahatay in aan kabahaygii dib u soo xidhoo intaa wixii ka danbeeya haddii aan sahan tegayo.

 

Dib ayaan ugu laabtay raadkaygii hore oo waxa aan ku noqday dooxii qulqulayay. Mustafe Iyo Warsame ayaan u sheegay waxa aan soo arkay. In aanu is wada raacno ayaanu go’aan ku gaadhnay. Dooxii ayay ka soo tallaabeen oo jidkii ayaanu soo wada qaadnay laagta ahaa. Markii aanu soo gaadhnay halkii oodda ahayd, si dhib yar ayaanu uga baxnay laagta oo waxa aanu fanannay gebiyadii laagta oo soo yaraaday. Anigu show geesaha ba ma eegayne, Mustafe ayaa arkay in gebiyada geesuhu soo yaraadeen. Sidii ayaanu kaga soo tallawnay dooxii walaw uu naga qaatay muddo saacad ku dhadhaw.

 

Dooxii aanu ka so baxnay baa keenay in buurtii aanu rabnay imika mar labaad noo muuqato. Dhankeeda ayaanu u soconnay anagga oo laago aad u yaryar dhex marayna kolalka qaar, laagahaas oo ku socday dooxii aanu hadda ka soo tallawnay. Dhexda nin riyo tobaneeyo ah la socda yaa naga soo hor baxay, waxa aanu su’aalnay halka u fudud ee aanu u mari karno buurta si aanu uga raysanno laagahan yaryar ee kolna aanu ku daadegayno kolna ka baxayno. Geed galoola oo bidix naga qabanayay ayuu noo tilmaamay oo uu yidhi kaas garab mara, waddo geesha yare ee garab marta geedkaas ayaa idin geynaysa baanu na yidhi.

 

Biyaha aanu sidannay ayaan dib u eegay. Aniga caagaddayda saddex meeloodoow meel ayaa ku hadhay. In aanu u baahannay meel aanu biyo ka dhaansannaa ay daruuri tahay ayaanu isla garannay. Annaga oo biyaha ka hadlayna ayaan maqalnay codka laba wiil oo dhankaa midigtayda ka hadlaya. Dhawr geedbaa nagaaga beegnaaye, inta aanu ka baydhnay ayaanu inamadu u dhawaannay oo bariidinnay. Midi waxa uu sitaa majarafad halka ninka kale na uu sita madaraq. Waxa ay noo sheegeen in ay ka yimaaddeen beer ay garan-waa ka gurayeen si ay sarac uga beeraan. Waxa ay ku socdeen guri u dhawaa buurta aanu ku soconnay oo laba buuloo yaryar ahaa. In aanu is raacno oo dhanka guriga aadno si biyo aanu uga soo dhaansanno ayay naga ogolaadeen. Innamo aad furfuran oo intii aanu dhexda ku sii jirnay na warsanayay baa ahaayeen.

 

Gurigu waxa uu leeyaha laba barkadood oo gacanta lagu qoday, bac ayaa ay roobka u dhigtaan si biyahaasi ugu buuxsamaan. Intii aanu caagadaha ka dhaansanaynay waxa nagu soo baxay islaan Iyo inan guriga ku jiray oo na bariidiyay. Geed u dhexeeyaya barkadaha iyo guriga ayaa aanu muddo is yar taagnay si aanu isu warsannay haweenkii. Beerta, buurta iyo geel nooga muuqday taag dhankaas ahaa ayay nooga warameen. Waxa ay aad uga xumaadeen in aanu ka so daahnay wakhtigii caanaha la maalayay. Intaas ka dib waanu is haybsannay, oo qoloma ayaa tihiin baa lana su’aalay. Aniga ayaa su’aashaa la I weydiiyay run ahaan. Ninna waan garanayay haybtiisa ninna ma garanayn labada wiil ee ila socday. Reer magaal baad tihiin asxaaba oo dhib ma le in aydaan is aqoon bay na yidhaahdeen. Iyagu na waa isu kaaya sheegeen.

 

Wakhtiga oo ahaa xilli cadceeddu kululaatay, waxa aanu ogaysiinnay reeka in anu buurtaa ka so hor-jeedda ku soconno oo dusha uga bixi doonno. Maxaa cunto sidataan ayay na weydiiyeen, annagu na waanu sidannaa ayaanu nidhi walaw ay naga werwersanayeen hadda na. Beertooda ayaa gasha qayb ka mid ah buurta oo dheegga ku haysa, dhankaas taagga u kaca oo geela sii hor-mara dabadeed ninka la jooga ayaa idin tilmaami halka ugu wacan ee buurta aad ka geli kartaaan ayay na yidhaahdeen. Waa aanu ka soo anbabaxnay annaga oo u jihaysan dhankii geela.

 

Nin muddakara oo macawuus iyo shaadh cad xidhan ayaa nagu soo baxay kolkii aanu geela u soo dhawaannay. Bariido kadib, waxa uu na su’aalay cidda aanu nahay iyo waxa aanu rabno si kooban. Kolkii aanu u jawaabnay waxa uu mar labaad na su’aalay in aanu macdan ka qodayno buurta iyo in kale. Walaw dadkeennu  markasta dad feejigan oo taxaddar badan yihiin, hadda na Warsame ayaa xidhnaa koofiyad u eeg qolyahan macdanta baadha. Sidaas ayaanu ugu malaynay in ay tahay sababta uu noo su’aalay. Inta aanu yar qosolnay markii uu na su’aalay ayaanu u sheegnay in aanu ahayn uun dhalinyaro magaalada ka timi oo rabta in ay socod iyo dhul-barasho ku jimcaysato.  Ninkii wuu na soo kexeeyay, waxa uu na tusay laba beerood oo mid ay leeyihiin midna ay jiiraan tahay. Waxa uu na yidhi beertan dhex mara oo geelaas kale sii mara, haddii cidi idin su’aasho halkeed ku socotaan waxa aad tidhaahaan xaafadda jaarka ayaanu nahay. Mustafe ayaa weydiiyay ilma ayo ayaa la yidhaa xaafadda. Ilma Ducaale uun ku dhaha waxba idin ma odhanayaan e ayuu yidhi.

 

Buurtii imika waa na hortaallaa oo waxaan laba boqol oo tallaabo ahaynbaa naga xiga oo beertan naga horaysa uun ah. Geel aad u qurux badan oo midabyo kala geddisan le ayaanu sii dhex marnay. Geela aad uma naqaanno oo wiilal reer magaala ayaanu iska nahay. Inyar baan ku dhaamaa oon anigu xagga suugaanta ka bawsaday. Sidoo kale muddo dhawr sanno ahbaa reerku ka iibsaday beer ku taalla magaalada dusheeda taas oo dhawr halaadi noo joogaan, malaha taas laftarkeedu geela wax yar oo kooban ayay iga bartay.

 

Nasiib wanaag, cidna lama aanaan kulmin intii aanu beerta dhex soconnay. Imika waxa aanu qabsannay buurtii oo aanu bilawnay in aanu fananno. Waxaa aanu isku qabannay In aanu geedahan dhulka ku yar nasanno oo hadhsanno waxna ku yar hoos cunno. Marka ay cadceeddu naga qabawdo aanu buurta korno. Laakiin labada nine e kale ayaa iga batay oo aynu korno buurta ayaa la yidhi. Anna waan ogolaaday oo xiiso badan ayaa buurta noo hayay. Dhanka aanu ka kornay waa dhan aan aad taag u ahayn, taasaa keentay in si yar oo deggen u korno. Dhagax bay se lahayd silbanaya oo haddii aanad si feejigan cagta u saarin kula siiban kara.

 

Tamartii waxa ay nagaga dhammaatay kolkii figta buurtu ay noo muuqato. Meel yar oo sidii kaabad u samaysan geed na ka guud baxay oo hadh le ayaan salka dhulka saaray. Mustafe dusha ayaan soo eegayaa buu yidhi. Warsame oo naga danbeeyay na, halkii aan fadhiyay meel agtayda ah ayuu ila so fadhiistay. Waxa aad noo raali gelisay oo na ilawsiisay dhibkii aanu soo marnay kolkii anu fadhiisannay ee aanu dib u eegnay dhulkii aanu soo marnay. Waxa noo muuqda laba beerood oo dhulku aad u cagaaranyahay. Labada beeroodba waxa jooga geel aad u qurux badan oo deggeni u daaqaya. Sidoo kale waxa noo muuqda dooxii oo aanaan si wacan u arkayne, dhirtii jiqda ahayd oo madaw uuni noo muuqato iyada oo sidii ul dhulka la dhigay midig ilaa bidix taxan. Waxa meel shishe nooga muuqda buurihii naasa-hablood ee aanu socodkayga ka soo ag bilawnay. Waxa ay u muuqataa buurtaasi in diyaarad waxaan ahayn aan lagu tegi karayn, hadda na dabcan iyada ayaanu socodka ka soo bilawnay.

 

Maadaama aan anigu ugu soo horeeyay fadhiisiga, aniga ayaa meel aad u fiican fadhiya. Labada ninee kale waxaan malaynaya in dhagax uu dhibay oo kolba ay mid iska qaadayaan si dhul siman oo fadhi le u helaan. Mustafe koodh uu sitay ayaan ka qaaday si aan u jiqilaysto. Isaga na waxa aan u soo saaray sijaayaddii aan shandada ku sitay. Intaas wixii ka danbaysay cuntadii aanu sidannay ayaanu baadhbaadhannay. Warsame, oo dabcan naga cunto fiicnaa, loxoox iyo roodhi mid ahayd ma xasuusto e, caag ku jirta oo kalluun le ayuu la soo baxay. Sidoo kale waxa uu sitay biinis daasad ku jira oo karsan. Annagu waxa aanu sidanna laba bacood oo buskuda, roodhi moofo iyo kalluun. Ninkastaa wixii yaraa ee uu sitay ayuu isku daray annaga oo sheekaysanayna.

 

Duhur badhtankii ayaa ay gaadhay. Hadhkii geedka aanu hoos fadhinnay waa gaabtay. Fadhigii oo aanu saacad iyo badh fadhinnaa dhagax miidhan ayuu nagu noqday oo wanu sii fadhiyi kari waynay. Dhammaantayo na waanu luloonnay. Waxa aanu wada go’aansannay in aanu daadegno si aanu geedaha halkaas nooga muuqda qaarkood u yar hoos seexanno. Markii aanu daadegaynay ilaa intii aanu dhexda soo soconnay waxa aan dareensanaa kabaha aan xidhanahay in aanay ahayn kuwii ugu haboona ee dhgaxa loogu talo galay. Ciidda iyo meelaha siman waa ku wacanyihin se buurta iyo dhagaxa looguma talo gelin. Annaga oo daallan ayaanu daadegnay geedkii ugu soo horeeyay ee hadh wacan lahaa na waanu hoos daadannay annaga oo cirka eegayna.

 

Mustafe oo dhawaaqaya ayaan anigu ku toosay. Cirkii bilaa daruurta ahaa oo waxaanu ku toosnay madoobaaday daruur awgii. Dhanka magaalada ayaanu jalleecnay oo waxa aanu dareennay in uu ku da’ayo magaalada. Anigu waxa aan idhi roobku waxa uu inaga xigaa galbeed oo wuu ina dhaafay. Dabadeed hurdada oon macaansanayay ayaan dib ugu noqday. Se waxa ay dib ii xasuusiyeen in dooxii soo rogmanayo. Sidii ayaanu ku kacnay annaga oo degdegsan. Ninkii geela la joogay ee aanu kolkii hore la kulannay ayaa naga soo horbaxay tilmaanna waanu weydiisannay. Waxa uu noo sheegay in aanu ka gaadhayno oo roobku yar shisheeyo isaga oo dariiqa ugu toosan noo tilmaamaya.

 

In muddo ah kolkii aanu soconnay ayaanu ka talawnay laag roon oo aanu u haysannay dooxii weynaa. Belo se way danbaysaaye, waddadii ayaanu haynay annaga waddo gaadhiga raacayna. Dhanka galbeed ayay waddadii noola kacday. Gaadhi ciid soo guray oo waddada nagu soo maray waa hakan waayay oo waa na dhaafay. Dhibicii roobka ayaa na soo gaadhay isaga oo aad mooddo in samada lanaga soo shiidayo. Shandadii aan sitay waxa ay lahayd dabool aanay biyuhu qaban. Tii ayaanu ku gurney wixii alaab biyuhu wax yeelayeen. Sidii baanu roobkii ku soo dhex qaadnay.

 

Roobku waxa uu leeyahay weedh oo jiho aanu u soconno iyo mid aanu ka nimi waanu garan weynay. Wuu na dhabannaaniyay wax kale kuma garatide. Si aanu isu maqalno oo codkayagu isu gaadho, geed ayaanu kolba yar hoos gelaynaa si aanu u tashanno. In aanu soconno oo aanaan istaagin ayaanu go’aansannay. Se jihada aanu maraynaa kolba wa anga qaldamaysaa oo dib ayaanu u soo noqonaynaa. Kolkii hore buur dhulka ka saraysa ayaanu bar tilmaameedsanaynayn roobna ma da’ayn. Imika se dhismayaashii magaalada iyo halkii ku beegnayd kobta aanu gaadhiga dhiganna ayay ahayd inaanu tilmaansanno. Uuro cad ayaa se ku dahaadhan oo waxba ka arki mayno e qiyaas baanu ku soconnaa.

 

Guri dhisme ah oo aanu is nidhi waa reer meesha yaalla ayaanu ku soo baxnay. Mise waa dugsi afar fasal ah, barandihiisa ayaanu yar istaagnay annaga oo ka filanayna in uu roobka naga celiyo oo aanu weedhskiisu na soo gaadhin. Sidii ayaa se roobku noo hayay oo waa na soo gaadhay dhibiciisu kolkii aan barandahah galnay. In aanu soconno oo aanan joogsan ayaa lagu taliyay oo sidii ayaanu ku dhaqaaqnay.

 

Annaga maskaxdayda waxa ku jirta oo aanu iska dhaadhicinnay in dooxii weynaa aanu soo dhaafnay oo ay laagtii ahayd markii dhawayd aanu soo marnay. Se markasta oo aanu sii soconno oo aanu ku dhawaanno waddada waxa aanu aragnaa daad qulqulaya oo dhanka waqooyi oo jiyadayda u sii socda. Waxa aanu ku soo baxnay tog aad u roon oo biyo door ihi dhex marayaan. Gebiyo ayuu yeeshay oo in aanu daadegno dabadeed biyihii dhex marno ayay noqotay hadda na gebigiisa kale fananno. Waxa aanu is nidhi kolkaa hadda na, waa kan dooxii weynaa oo waa ka dhammaateen markan. Warsame se isagu waxa uu qabaa in weli uu inaga horeeyo kii aanu saaka dirqiga kaga soo baxnay oo kuwani laagihiisii yaryraa uun ay yihiin.

 

Sidii ayuu roobku noo hayaa anagu na aanu u dhex jibaaxaynaa. Kabihii iyo dharkayagii inta ay qoyeen ayaa culays noqdeen. Miisaankii aanu sidnay laban laabkiisa ayaanu sidnaa. Dhaxani nama hayso oo weliba dhibica ayaa nagu dhacaya walaw weedhku sidii hore ka sahlanaaday. Waxa aanu yaqiinsannay in dooxii weynaa naga horeeyo kadib markii aanu aragnay magaaladu inta ay noo jirto oo in doora ahayd iyo weliba geedihii jiqda ahaa oo naga horeeya.

 

Kolkii aanu ku soo dhawaannay geedihii iyo dooxii, guri ayaanu ku soo baxnay laba dhisme ahaa, mid ayaanu garaacnay oo wiilbaa noo soo baxay. Halkee baanu dooxii u marnaa oo waddada kaga dhacnaa ayanua su’aalnay. Waxa uu noo sheegay in aanu tan marno oo, waddo guriga hor maysay, iyada ayaa toos waddada idiinku ridaysa ayuu yidhi. Waddadu waa halkuu gaadhigu noo yaallay waxba yey ku beegnaan meeshii aanu dhignay laftarkeeda e. Dooxa ayaad ka tallaabaysaan buu yidhi oo weli muu soo rogmane ka gaadha. Si kadle ah ayaanu waddadii u qaadnay annaga oo dhexda ku sii aragnay xaajiyad taalla oo rabtay in ay dooxa malaha ka talawdo se markii danbe aanu is nidhi reerkan aad dhaafteen baa le, waayo cidi ma saaarnayn gaahdiga. Kolkii aanu dooxii ku dhawaannay waxa aanu aragno haro biyo ah oo ka soo horaysa dooxa iyo weliba gaadhi kale oo shaanboo-xayraan gaadhiga loo yaqaanno ah oo figta dooxa taagan. Markii aanu is nidhi biyaha dhex qaada si aad u eegtaan xawliga biyaha maraya dooxa, waxa la furay daaqad ka mid daaqaddii gaadhiga ninbaa na noo dhawaaqay.  Waar wuu buuxaa oo wuu rogmanayaa mana mari karaysaan iska jooga ayuu na yidhi. Hal mar ayaanu wada naxnay oo biyii aanu wada qaadannay inta aanu ka joogsannay aanu dib ugu noqonnay reerkii.

 

Magaalada Hargeysa dooxan weyn ayaa laba u kala qaybiya. Waqooyi iyo koonfur ayuu u kala qaybiyaa. Qaybta magaalada waqooyi xigtaa waxa ay nasiib ku leedahay waddada ayaa dhineceeda xigta. Qaybta se koonfur deggeni waa in ay dooxa ka soo tallaabaan si waddada weyn u yimaaddaan. Laba biriish oo qudha ayaa ilaa hadda ay magaaladu leedahay si ay u soo tallaabaan dadka koonfur deggeni oo ay suuqa u yimaaddaan. Tani waxa ay aad u keentay in deegaamaynta magaaladu ay u badato dhanka waqooyi.

 

Kolkii aanu reerkii ku soo noqonnay waxa nagu soo baxay hablo iyo islaamo ku jiray guriga soke, kii aanu garaacnay ma aha e ka kale. Dhibicaa imika istaagay annaga na way na arkeen oo caruur yaryar ayaa macaa soo baxay. Dooxu miyuu socdaa ayay na weydiiyeen, annagu nah aa ayaanu nidhi. Ninkii markii hore na been fariimay ayaa isna guriga kale ka soo baxay oo isla su’aashaa na weydiiyay. Dhankii dooxa ayuu kolkaa noo dhaafay oo soo eegbuu is yidhi saan qiyaasayno.

 

Halkii ayay talo nagu caddaatay qaab aanu dooxi ugu talawno ayaanu rogrognay. Islaamaha iyo haweenka guriga ka soo baxay oo na maqlayay ayaa na daawanaya. Annagu mar waxaa idhi gurigan iyo reerkan aynu u tagno oo dab ha la inoo shido oo halkan aynu isk joogno inta dooxu qaadayo. Hadda na Warsame ayaa I yidhi dooxu saacado badan ayuu socoonaya gabbalku na waa inoo dhacayaa. Mugdi haddday noqoto na ma sidanno wax ilays ah dhexda na in la inagu dhaco oo tuugi ina hesho kolka aynu magaalada u dhawaanno ayaa suuragal ah. Kolkaa inta aanu gabbalku inoo dhicin aynu hore u dhaqaaqno oo dhanka kale ee magaalada biriishka le aynu ka galno.

 

Sidii ayaanu ku soo anbabaxnay iyada oo roobku yaraaday oo dhibco dhibco kooban yahay hadda. Guryo kala geddisan ayaanu ku soo baxnay, mid ka mid ah waxa ku weegaarsan tiin oo meel aanu ka galno ayaanu weynay si aanu dadka tilmaan u soo weydiinno. Kadinkii kolkii aanu helnay laba hablood oo gashaantimo ah ayaa nagu soo baxay, kolkii aanu jidka weydiinnay si caal-waa ah ayay noola hadashay waxaanay na ogaysiisay in aanu jirin dariiq loo maraa iyadu ba ay islahayd reer soo booqo se ay iska soo noqotay kolka ay aragtay daadka rogmanaya. Waa nu se iska dhaafnay oo namay hakin.

 

Daalbadanbaa naga muuqda. Kolkii roobku istaagay dhaxanbaa soo dhacday oo waanu qadhqadhaynaa. Kabahaygu waa ay qoyanyihiin waanay culusyihiin oo dirqi ayaanu u sidnaa. Magaaladii iyo waddada baaburta maraya waa noo muuqataa, se doox dhir badan le ayaa nagaga began oo kolba meel aanu ka galno ayaanu raadinaynaa. Meelkaastaa se waa jar iyo laag reer dusha ka xigo, reerahaas oo dhami na waa caddilanyihiin. Ama waa in ay magaalada tagaan oo biriishka ka soo tallaabaan, ama waa in ay iska sugaan inta laaguhu qalalayaan si ay uga tallaabaan.

 

Kolkii aanu marayno gurigii tiinka lahaa dabadiisa, waxa aanu aragnay gaadhi nooca loo yaqaan “Suzuki” ah, waa gaadhi dhexe oo aan ahayn baabuurta waaweyn, haddana kuwa yaryar ee raaxada ah aan ahayn. Waa gaadhi afarta taayir ba ka dhaqaaqa ama nooca afka qalaad loo yaqaan “four wheel”. Laban in ayaa dul jooga gaadhigu na biyaha ayuu dhex fadhiyaa. Midi waxa uu hayaa halka gaadhigu qiiqa ka bixiyo ee loo yaqaa “egsaaska” ka kale na waa dul joogaa. Waxa ay noo shegeen inuu ka galay gaadhigu meeshay si aanay biyuhu uga gelinna ay hayeen “egsaaska” ilaa intii roobku socda oo roobku ku dul dhammaaday.

 

Anigu waxa aan leeyahay gaadhi noocan ah oo aan watay muddo toban sanno ah. Dalka meel aanan ku tegin ma le, xaalado kan ka adagna waan ka saaray oo waxa aan la yaabay sababta ay intan uga saari kari waayeen. Sidaas ayaan ugu sheegay dabadeed nooga saar ayay I dheheen. Kolkii aan gaadhiga fuulay ayaan arkay in uu gaadhigu “manual” yahay. Baabuurta manualka ah marmar ayaan kexeeyaa se caado iima aha in aan kexeeyo. Inta aad isku qaaddo ayaan is idhi waxa laga yaabaa in aad bad geliso. Waxa aan u sheegay in aanan kan manuwalka ah badanka kaxayn, laakiin aan u tilmaami doono se ay tahay in uu siagu ka saaro. Waan dhiirigeliyay in uu ka saari karo, dhawr goor kolkii uu isku deyay annagu na aanu is nidhi kama saari karo, aakhirkii waa uu ka baxay markii danbe oo wuu ku guuleystay.

 

Nimankii ayaanu ka codsannay in ay na sii qaadaan oo magaalada na geeyaan. Waa ay na oggolaadeen iyaga oo faraxsan. Ilaahaybaa noo kiin soo diray bay yidhaahdeen oo annagu kuma aanu dhiiraneen. Dhexda intii aanu ku soo jirnay ninku wuxuu ii sheegay in uu gaahdigan muddo bil ah watay oo isaga laftarkiisu aanu manualka aad u aqaano. Dhawr jeer ayuu ka bakhbakhtiyay oo waxa aan ogaaday ba in aan anigu ku dhaamo wadiddiisa. Laag yar ayaa naga horaysa oo ay noo sheegeen in ay yar adkayd markii hore ay ka soo baxayeen, se imika ay ka sii adkaan doonto waay taagga ay ka soo daadegeen kolkii hore ayaa dheeraa imika na kii ayaa la korayaa.

 

Markii aanu soo gaadhnay laagtii yarayd ayaa uu isku deyay in u ka saaro waanu nooga bixi waayay. Waxa aan u sheegay in uu aniga ii dhiibo gaadhi si aan uga saaro, imika waan ku dhiiraday waayo waxa aan arkay in uu aniga igaga darawalnimo liito manuwalka. Jarka la rabo inuu gaadhigu fuulaa waxa uu leeyahay dhoobo siliitaynaysa. Kolka uu gaadhigu is yidhaa kor ayaa uu gaadhigu ku silbanaya iliilid ku taalla taagga oo shaagga la gelayaa. Kolkii aan laba jeer isku dayay markii saddexaad ayaan ka saaray.

 

Magaaladii Hargeisa dhanka sare ee koonfureed ayaanu ka soo galnay si aanu uga talowno biriishka halkaasi ku yaalla. Dhexda intii aanu ku sii jirnay raggii waxa ay no sheegeen in ay rabeen in ay baloodh ku soo calaamadiyaan oo ay sibidh siteen roobku na dhexda ku helay. Sidoo kale waxa ay noo sheegeen in ay yihiin macalimiin dhigta dugsiyada sare ee dalka.

 

Lixdii iyo dhiidhii ayaanu soo galnay magaalada oo ay nimankii na dhigeen masjidu jaamaca., oo ah bartanka ama suuqa dhexe ee magaalada Hargeysa. Halkii ayaanu tagsi ka qaadannay si aanu ugu tagno gaadhigaygii aanu saakaa laba iyo toban saacadoo ka hor halkaas kaga tagnay. Ninkii tagsiga ayaanu war bixin kooban ka siinnay socdaalkayagii iy dhbka na qabsaday. Waxa uu na yidhi haddaad sidaas u hawl jeceshihiin geel aan leeyahay baan idin raacinayaa ee soo diyaar-garooba. Waanu yar qosolnay dabadeed ka degnay gaadhigiisii.

 

Gurigii markii aan tegay ayaan go’aansaday in aan qormadan qoro. Wixii aan ka faa’iday oo kooban ayan is weydiiyay. In aan idinla wadaago na waan jeclaaday. Waxa aan ka faa’iday in qaddarka Ilaahay uu yahay cajiib lama filaan ah, markasta na sida aad qorshaysatay ay jiraan si kale oo uu Ilaahay kuu qorsheeyay. Waxa aan ka faa’iday magaalada aan ku noolahay in aanan aqoon caqabadaha haysta dad badan oo ila deggen. Aniga oo isku triya dadka ugu socodka badan, hadda na wax aan ku safri jiray uun gaadhi taasi na waxay keentay in aan ogaan waayo caqabadaha haysta dadka lugaynaya. Waxa aan ogaaday in la is haybsado iyo qabiilku in uu yahay wax qurux badan kolka la joogo meel magaaldaa ka shishaysa. Marka se qabiilka loo adeegsado dano reer magaal ay tahay marka lagu sumoobo. Waxa aan soo bartay oo dhab u ogaaday in asxaabtii ila safartay aan si qoto dheer aanu isu so barannay, iyada oo aan xasuustay weedhii odhan jirtay jid ma la martay, jidiin ma la cuntay oo jabad ma la seexatay. Waxa aan af-garasho la sameeyay oo waxbadan aan ka soo bartay dabeecadda sida dhulka, cimilada, geedaha iyo xayawaanka.

 

Intaasan ka soo faa’iday 12 saacadood oo wakhtigayga ka mid ahe, bal is weydii, maxaynu faa’iddnaa 12 saacaadood oo aynu guriga joogno ama maqaaxi ka sheekaynayno?

 

 

Xayasiis

4 COMMENTS

  1. Inkastuu ahaa qoraal xisoo lahaa oon arkay uun isagoo dhamaday hadanaa waxan arkay uun isagoo dhamaaday
    Mansha allah waxa tahay hal abuur da yar

  2. Wllo Yaxye sheekada akhriskeeda waan dhamaystey inkastoo aan qaybihii danbe yara cabsi ahayde balse wlhi waayo aragnimo badan ayaad ka hesheen in baadiyaha la aado weeye inkastoo aniga waligay baadiyo tagin balse waa in aad ku dhiiradaa oo aan aada If Allah Say

Comments are closed.