Fanka Cuddoon

1
2590

Fanka Cuddoon

Fanbaynu u baahannahay baahideenna ka warrama. Fan fannaanku codkiisa ku joogo se aanu jidhkiisa iyo sida uu u qaawiyo ku joogin. Fan abwaanku ereyadiisa ku joogo se aanu ku joogin fannaanka uu u dhiibo iyo miisigga la saaro. Fan marka la samayno aan u baahnayn laba kiiloo oo qaad ah iyo shiishad. Fan aan bariis ahayne macno ka hadla. Fan jacaylka Ilaahay iyo ka nabiga (csw) ka warrama. Fan jacaylka hooyada iyo ka waddanka ka warrama. Fan qiyam iyo mabda’ le oo uu ka qaadayaa aaminsayahay. Fan abwaanka sameeyey walaalkii ama walaashii u dhiibi karo si ay u qaadaan. Fan aan hoo oo ku gubo ahayn.

Fan aan ujeedkiisu ahayn in la jaaso oo la iska dhididiyo. Fan marka la soo bandhigayo aad hooyadaa iyo walaashaa u kaxaysan karto. Fan cid u hadla cidna ka hadla. Fan siyaasiga la hadla kolka uu ummadda dala’sado. Fan wadaadka la hadla kolka uu shilin raac noqdo. Fan u hadla nin Yurub jooga oo dalkiisii hooyo u darsaday. Fan gabadh uguba oo wiil jamatay u adkeeya guntiga oo xishood fara. Fan samirsiiya agoon aabbihii geeriyooday. Fan u hadla dhibbane iyo dulmane oomman.

Fan dhaafsan aroos iyo adduun. Fan aan mihnad keliya ahayne hibo ah. Fan ingineerka, dhakhtarka, macallinka iyo muftigu ba qayb ka noqon karo. Fan fannaanka ama abwaanku ku faraxsanyahay oo aanu ka murugaysnayn. Fan aan ahayn mid subixii na hurda habeenkii na siraata. Fan aan kabo kulayl ahayn ee xasillooni iyo raaxo nafsiya laga helo. Fan aan laga bixin marna la soo gelin sidii uu qol yahay. Fan aan lagu muransanayn oo aan la isku gaalaysiin. Fan la falgala waayaha uu curtay oo dhigaal iyo taariikh u noqda. Fan fasal ah oo afka, dhaqanka iyo asluubta ba lagu barto. Fan la turjumo oo jaamacasdaha adduunka lagu gorfeeyo.

Xayasiis

1 COMMENT

Comments are closed.