Nazaar Qabbaani waxa uu ahaa suugaanyahan caan ka ah bariga dhexe iyo dhammaan dhulka carabta. Nazaar waxa uu ahaa reer Damashi (caasimadda Suuriya). Waxa uu ahaa nin aan jeclayn xuduudaha iyo dabarka maansada. Waxa maamuli jiray oo dabar iyo hoggaan u ahaa dareenka uu tebinayo.

Nazaar waxa loo yaqaannay gabyaagii jacaylka. Markale waxa la odhan jiray waa gabyaagii dumarka. Si saa’id ah waxa uu u ammaani jiray haweenka. Waxa taa u sabab ah dhacdooyin door ah oo noloshiisa saamayn ku yeeshay oo dumar hoggaanka u hayeen. Waxa ka mid ahaa gabadh la dhalatay oo isdishay kadib markii loo diidey wiil ay jeclayd. Waxa iyadu na jirtay gabadh uu aad u jeclaa oo Balqiis la odhan jiray oo ku dhimatay qarax Ciraaq ka dhacay.

Tixihiisa jacaylku waxa ay leeyihiin dhiirranaan horseedda in aanu ka weecan ereyga uu damco. Taasi waxa ay had iyo goor keeni jirtay in muran la geliyo in tixihiisu anshaxa ka baxeen iyo in kale. Sidoo kale, waxa uu ahaa mid u fiirsada waxyaabaha yaryar ee ku saabsan xidhiidhka ka dhexeeya labada qof.

Haddii la haltebiyo tixda waxa ka luma farshaxankeeda e, intiinna Carabiga taqaannaay ila akhriya ereyadan;

وعدتك أن لا أحبك
ثم أمام القرار الكبير جبنت
وعدتك أن لا أعود وأن لا أموت اشتياقا
وعدت ومت!
وعدت مرارا وقررت ان استقيل مرارا
ولا أتذكر أني استقلت
لقد كنت أكذب من شدة الصدق
والحمدلله أني كذبت

Waxa aan kuu balan qaaday in aanan ku jeclaan
kadib go’aankaygii waynaa hortiisa ayaan baqay,
Waxa aan kuu balen qaaday in aanan soo laaban,una dhiman xiisahaaga,
Waan soo laabtay,Waanan u dhintay,
Waxa aan balan qaad sameeyay dhawr jeer waxa aan go’aansaday in aan tago dhawr jeer,
Mana xasuusnii tiegitaankayga,
Waxa aan sheegayay been run darteed,
Ilaahay ayaana mahad leh in aan been sheegay.

Xayasiis

4 COMMENTS

  1. Waxan laga mahad celinya abwane sida hufnanta iyo hagar.la’aanta ahi ee aad waxkasta oo.wanaga i nola soo socod siiyo alle haku sharfo

Comments are closed.