Deeqa

1
13269

Deeqa

Halow deeqaay
Deeqa waa ani
Waa dammiin iyo
Doqonkaagii
Kuu darsadayoo
Waan dabayshaday
Kuu dibjirayoo
Dibad-yaalaye
Hal-daqiiqooon
Kula doodaan
Kaa dawarayaa

Dabuub-taada
Cudur iiga daran
Marna daawiyo
Dabiib ii ehe,
Hay dagaaline
Codka ii deji,
Oo bal damaq iyo
Day bal boogahan
Beerka daashaday

Isma daaficin
Denbi waan galay
Dirirtaadiyo
Dibindaabyada
Waw dul leeyahay
Waxaan diiduun
Dareenkaygaad
Dafiraysoo
Waan yar daahaye
Maan darjiidhine
Kuu dan sheegtaye
Mar uun ii dabac




Sow dulqaadkiyo
Samir daahira
Deeqa kuma tihid?

Hablo dooroo
Kula da’a sow
Kaama dooranin?

Sow dubaaqiyo
Qalbi duun jira
Daraad kuma siin?

Wacad dooriyo
Axdi aan dumin
Sowma daabicin

Dunidaydiyo
Sow dantaydii
Kuuma daayicin

Sidii daadkaan
Hadba daaf iyo
Doc garaacee,
Jidh dubaaxshiyo
Aaway diir-nixii
Kugu deyrnaa?

Dabalaab iyo
Midi doonoo
Hoo I doox ani
Naftan ku diran
Adigoon dilin
iilna loo duwin
Jacaylkaan dabay
Seen u dagagari?




Heedhe deeqaay
Ilayn diintiyo
Dabcigaagaa
I daryeeloo
Dabar ii ehe
Waan ku deynbee
Kolka aan dumo
Cadho deedamo
Wax I daaltira
Oo ii daawo ah
Bal dawaafoo
Doonoo ii keen

Qofaad daar iyo
Guri deyr liyo
Aad dugsoon utay
Hayska deyrine
Indho-deeralay
Aan ku daawado

Gu’ darooriyo
Cir daruurlaay
Man dilaaciyo
Dibno ubexeey
Xiddigaha dumar
Nal dagaaraay
Mugdigoo damay
Cadceed duhureey
Ma waxaad dudi
Ood I deyrini
Markaan daymada
Cirkii daahnaa
Iska daayeen
Dayixii idhi
Deeqi igu filan

Sida doog baxay
Oo daruur helay
Ragga doorkaya
Aan dul dhaafo e
Maad I deysani?,
Mise diiftiyo
Heedhe daranyada
Aan ku daa’imee
Waad I deyrine

 


Xayasiis

1 COMMENT

Comments are closed.