Kasmaal

Kal gunuunucdoo
Uurkiyo kelyaha
Keligeed gubtaa
Korka gaadhayoo,
Kurka qiiqaybaa
Dadku kaamilkood
i dheheen “Kamaal
Waa maxay karkani?”

Afar jeer kac iyo
Fadhigii kursiga
Kadaloobsadoo,
Cabbirkii kalaam
kari waayayoo,
Gabaybaa kobtii
Kaalmiyo gargaar
Kadle iigu yimi.

Kaah ii baxaay
Kaalin aan galaay
Karti Eebbahay
Abid igu kabaay,
Maansooy kor dhalan
Kun jibbaar abaal
Igu keydsaanbaad
Keli leedohoo,
kaskanaad gashaa
Kulligaa ku raba
Anoo kuray ahbaad
i kaaftoomisoo,
Anoo kabo la’baad
Kasmo ii xidhoo,
Anoo kaadsadaad
I karaarisoo,
Anoo kaalmo la’aad
I kal kaalisoo,
Kammishaye hankii
Waad i kaabtayoo

Niyaddaydu kaar
Kolka ay jabtee
Xummad aan kardhado
Kiniinaan liqaay

Gacal aan kobciyay
Kolkuu maalin qudha
Nacab igu kibriyo
Noqdo ruux kal xidhan,
Garabkayga kiil
Middaan kaashadaay

Kelyo ciirsi iyo
Nin kalsooni loo
Ku kifaaxayaa
Ku keynaaniyo
Mid kaslaana iyo
Inkastuu kas xume
Tixo soo kabkabo,
Dhegta kowsataa
Kaddibbay nacdaa

Rabbiyoow kariim
Ma karaamo dilin
Hibadaad kal hore
Kasha ii sudhoo,
Murtidaadi kaba
Kaman maan la dhicin

Mijin aan kidfiyo
Kuma noqon sakhraan
U kallaha caqaar,
Qabka lagu kufiyo
Kama qaadin kibir.

Xiska kaamilkaa
Kaash lagu gadiyo
Kun ma goynayee,
Xikmaddii kammila
Kaambayn la galay
Kaba-qaadnimada
Kuma guul wadeyn

Dar is kaarahdoo
Is karbaashaysoo
Kafan isu toshoo
Misna kaam yar iyo
Dab kulaalaysaan
Waar is kaashadoo
Is kammila dhahaa

Jiilkii kufee
Kal horeeto dhacay,
Kardhashiyo fudayd
Kubka dhaawaacaa
Weli kawraxoo,
Kol labaad inaan
Waa kow la odhan
Yaan kormeerayaa

Sirta keydsanee
Taal kawnkanaan
Kayn iyo bannaan
Midba keen dhahaa
Waxa taal korkaa

Ummad aan kufkeed
Kalmad dhaafsanoo
Cabsi kaajaysoo
Keyrkeyrisaan
Keeno diidnimiyo
Faraa keni-adayg

Facba waw keliye
Kud xanuuna iyo
Kaneecadu gu’ bay
Dadka kaw baddooy
Kadab goyn jirtee,
Xal kaxaynayaa
Dawo keensadee,
Imikiyo kalkay
Kansarkaan dayaa
Dawo aan ku kaco

Kooxaysi iyo
Kolanyaysibaa
Dadkii kaar badoo,
Reerkastaa kitaab
U kalaamayay
Keli yeelatee,
Weedh kaafidiyo
Goob lagu kulmaan
Kadinkeed unkaa

Waxaan kororsadaan
Hadba kiishka dhaqan
Ugu kaydiyaa
Ubad kawnka iyo
Weli kaahba arag

Hanku waa koreyn
Loo kadeedamayee
Tix haddaan u koray
Ma kobtii makiyo
Kabcadii xajkaan
Qori sudhay kabriid?
Kohashada maxaa
Koor lay sudhoo,
Nin kuhaan ahaa
Xumuhuu karsaday
Kabbo lay dhahaa?

Xayasiis